Associated Somali Journalists *ASOJ*
English |  Arabic |  Somali |      
English UK Language Arabic Language Somali Language   Bogga'horeWararka XeerkaNagalasooxiriir FikirkeenaXubnaha   
Associated Somali Journalists *ASOJ*
Associated Somali Journalists *ASOJ*
 







Ururka ASOJ oo Puntland  ugu baaqay inay ka laabato shaqo joojinta lagu sameeyay Wariyaha BBC Somali.

Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa Maamulka Puntland ee uu hogaamiye Jeneral Cadde Muusse boqor ugu baaqay inay deg deg uga laabtaan go-aanka  lagu jibiyay dastuurka Puntland  cutubka madaxbanaanida Jaraa'idka iyo mudnaanta Xoriyatul qoowlka.

Associated Somali Journalists waxay tibaaxeen in wareegtada Wasiirada Puntland shaqada ku xanibeen Wariye Axmed Kismaayo ay tahay mid lagu dhaawacay madaxbanaanida iyo sheegashada hanaan  dimiqoraadiyadeed oo ka jira Puntland.sidaas daraadeed ASOJ waxay ku baaqeen in Wariyahaas la caburiyay dib loogu ogolaado  xaquuqdiisa shaqo .

ASOJ waxay Puntland ku tilmaamtay inay noqotay  Maamulka ugu halista badan ee  Wariyaasha ka hoowlgalo lagu dhibaateeyo,taas oo ay ku tilmaameen nasiib daro laga tiiraanyooda.

Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ waxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ugu baaqeen inay faragelin ku sameeyso xadgudubyada ka dhanka ah Madaxbanaanida Saxaafadda ee ka sii daraya maalinba maalinta xigta,ayna ku kacayaan maamulka Puntland

 

Bogga'hore | Wararka | Xeerka | Nagalasooxiriir | Fikirkeena | Xubnaha
© Copyright ASOJ, All Rights Reserved.