Wasaarada Warfaafinta TFG Oo Waraaq Ay U Dirtay Beesha
Caalamka Ku Sheegtay Inuusa Jirin Urur Magaca Saxaafada
Somalia Ku Qaraaban Kara
Warqad qoraal ah oo ka so
baxday Xafiiska Wasaarada Warfaafinta Dowlada kumeel
gaarka ah ee somalia isla markaana uu ku saxiixan yahay
Wasiirka Warfaafinta TFG Madobe Nuunow Mohmed isla
markaana loo kala diray Ha’adaha Saxaafada Caalmka Ku
Shaqada leh iyo kuwa gudaha dalka Somalia ka shaqeeyay
ayaa lagu sheegay inuusa jirin urur matala saxaafada
somalia isla markana ku qaraaban kara si uu danahiisa ugu
fushado
Warqadaan oo nuqul ka
midaha uu soo gaaray warbaahinta waagacusb ayaa waxey u
qorneyd sida tan.
Markii aan aragnay urur
saxaafadeeda oo sheeganaya inuu siyaabo kala duwan ugu
shaqeyo gudaha iyo bananka somalia, isla markaana
sheeganaya inuu matalo saxaafada somalia kaasoo aan wax
xariiraha la laheyn wasaarada warfaafinta iyo ururada
saxaafada somalia ka jira
Ayaaa waxaan go’aansanay
inaan ku war galino hay’daha caalamiga ah iyo kuwa gudaha
in aan sameynaya sharcigii agu dhaqi lahaa
saxaafada somalia kaasoo hoos taga sharciga lagu dhaqo
saxaafada caalamig ah..
Sharciga saxaafada ee ay
soo saartay wasaarada warfaafinta somalia wuxuu qeexayaa
xuquuqda uu leeyahay wariyaha iyo waajibaadka isaga lagu
leeyahay marka loo eego qeybaha kala duwan ee saxaafada.
Sidaa darteed waxaan ku
wargalineynaa hay’adaha saxaafada caalamka ee xiriirka la
leh NGO ku qaraabta saxaafada somalia iyo kuwa kale ee ka
jira gudaha somalia iney xiriir la soo sameeyaan wasaarada
warfaafinta Dowlada Somalia.
“Ma jiri karo NGO ama urur
Ku qaraaban kara magaca saxaafada somalia isla markaan
sheegan kara inuu matalo bahda saxaafada somalia, oo aan
ka aheyn wasaarada warfaafinta somalia” sidaa waxaa lagu
yiri qoraalka ka soo baxay wasaarada warfaafinta somalia.
Sdoo kale waxaan ku
wargalineynaa NGOs ama Ururada Ka jira gudaha iyo banaanka
somalia iney xiriir la soo sameeyaan wasaarada warfaafinta
TFG,si ay ugu helaan wasaarada wax walba oo ay ugu
baahanyihiin saxaafada somalia .
Waxaa qoraalka wasiirka
warfaafinta lagu sheegay in wax walba oo ka horeeyay
sharciga hada la soo saaray aysan shaqeyn kareyn isla
markaana la tirtiray.
Hadii aad
u baahantahay faahfaahin intaasi ka badan waxaa kala
xariiri kartaa Madobe Nuunow
Mohamed ama shaqaalaha wasaarada warfaafinta
Sunni Sa’eed Salah
sirsunni@yahoo.com
sunninet@hotmail.com
+254-722424230