Associated Somali Journalists *ASOJ*
English |  Arabic |  Somali |      
English UK Language Arabic Language Somali Language   Bogga'horeWararka XeerkaNagalasooxiriir FikirkeenaXubnaha   
Associated Somali Journalists *ASOJ*
Associated Somali Journalists *ASOJ*
 









All SBC oo warbixin dheer ka qortay hay'ado ka hadlay dilkii loo geystay allaha u naxariistee Cali iimaan Sharmaarke iyo Mahad Axmed Cilmi

Dilkii Madaxda Idaacadaha HornAfrik & Capital Voice oo la cambaareyey 


Dilkii iyo dhaawacii magaalada Muqdisho loogu geystey shaley iyo habeen hore laba ka mid ah maamulayaasha Idaacadaha HornAfrik, Capital Voice iyo wariye Raadiyaha DFKMG ah ee magaalada Baydhabo ka tirsan ayaa si weyn loo cambaareeyey.

Hay'adda caalamiga ah ee IFJ ee difaaca xuquuqda Aadanaha ayaa warsaxaafadeed ay soo saartey oo la soo gaarsiiyey nuqul ka mid ah warqabadka SBC ayaa lagu sheegay in IFJ ay si weyn loogu cambaareeyey falalkaasi lagu diley Cali Iimaan Sharma’arke oo ka mid ahaa Mulkiilayaasha HornAfrika iyo madaxii idaacada Capital Voice iyo waliba dhaawaca wariye C/xakiim Cumar Jimcaale.

Warsaxaafadeedka IFJ waxaa loogu baaqey beesha caalamka in si ded deg ah wax looga qabto dilalkaasi iyo xadgudubyada lagu hayo saxafiyiinta Soomaaliya, iyadoo IFJ ay sheegtey in dilkan uu yahay kii ugu dambeeyey oo sanadkan oo kaliya gudaha Soomaaliya lagu diley 6 saxafi oo ku guda jirey hawlahoodii shaqo.

Hay’ada saxafiyiinta aan xuduuda laheyn ee RSF ayaa sidaasi si la mid ah waxaa loogu cambeereyey dilka saxafiyiintaasi, iyadoo RSF ay dalbatey in cadaalada la horkeeno kooxihii dilkaasi ka dambeeyey.

Dhinca kale Ururada maxaliga ah ee Soomaaliya gaar ahaan NUSOJ iyo Asoj ayaa dhambaalo ay soo gaariiyey warqabadka SBC waxay si kala gooni ah ugu muujiyeen sida ay uga xun yihiin dilalka Muqdisho loogu geystey Cali Iimaan Sharma’arke iyo Mahad Axmed Cilmi iyo waliba dhaawaca loo geystey wariye C/xakiin Cumar Jimcaale.

Warsaxaafadeedka NUSOJ iyo Asoj waxaa lagu xusey in saxafaada Soomaaliya ay si weyn u cambaareynayso dilkaasi, iyagoo dalbadey in si deg deg ah loo bilaabo baaritaan deg deg ah, oo cadaalada lagu horkeeno dadkii ka dambeeyey dilalkaasi arxan darada ah ee lagula kacay Maamulayaasha Idaacadaha.

Hay’ada IFJ waxay sheegtey in sanadihii ugu dambeeyey la diley 19 saxafi oo Soomaali ah, gaar ahaan laga soo bilaabo tan iyo markii la dhisey dawlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya.



 


 
Bogga'hore | Wararka | Xeerka | Nagalasooxiriir | Fikirkeena | Xubnaha
© Copyright ASOJ, All Rights Reserved.