| |
Xuska
Sanad guuradii 7-aad ee ka soo wareegtay Aas-aaskii Naadigga
Saxaafadda Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu qabtay(daawo
Muuqaalka Xafladaas iyo ardayda ka qalin jibisay)
Sanad guuradii 7-aad ee Aas aaska
Naadigga Saxaafadda Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay
Xarunta KMG ah ee Naadigaas uu ku leeyahay Magaaladda
Muqdisho.

Xafladaan oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan laba boqol
oo bahda Saxaafadda ah ayaa Shahaado lagu gudoonsiiyay
shan arday oo dhameeysatay Waxbarashadda,taas oo ahayd
laba sanadood.

Weriyaasha Juunyeerka ah ee Maanta Shahaadada la gudoonsiiyay
ayaa kala ah ,Maxamed Bashiir Cabdi Raxmaan,Cabdilahi
Dahir Maxamed,Faysal Maxamud Cali,Sahro Maxamud Cali,Sagal
Cismaan Coloow.

Gudoomiyaha Naadigga Saxaafadda Soomaaliyeed Inj Mukhtaar
Xasan Maxamud oo khudbad gaaban ka jeediyay Xafladaas
ayaa sheegay in markii la aas aasayay Naadigaas ay Saxaafadda
ku ekeeyd Muqdisho iyo Hargeysa oo qura,balse ay haatan
mareeyso Dhamaan Goboladda Dalka oo dhan,sidaas si la
midana ay Naadigaan ka baxeen Saxaafiyiin ka badan afar
boqol,kuwaas oo 80% ay hada ku shaqeeystaan xirfadaas.
Injineer Mukhtaar wuxuu ku nuuxnuuxsaday in Wariyaasha
Waxbarashadda ka qaata Naadigga aan wax lacag ah laga
qaadin oo qaab samafala ,wax loo baro.

Cilmi Cismaan faarax Boodhari oo ka mida Wariyaasha ugu
caansan Muqdisho,si wayna loo xiiseeyo qaab wareedkiisa
,una hadlayay Jiilka Cusub ee Saxaafadda ayaa farta ku
fiiqay in Saxaafadda %90 ay u dadaasho horumarka dalka
sida ,Waxbarashadda,dhaqaalaha Caafimaadka iyo wacyigelinta
guud ee bulshadda,isagoo dhinaca kalana xusay inay Wariyaasha
Muqdisho ku hoowlgalaan nolol adag,maadama aysan helin
mushaaraad ku filan.

Madaxa Warfaafinta ee Golaha Maxaakiimta Sheekh Cabdi
Raxiim Muudeey oo isagana halkaas ka hadlay ayaa Suxufiyiinta
ugu baaqay inay ka qaybqaataan Difaaca Dalka iyo Diinta,isagoo
dhinaca kalana Xusay inaysan Saxaafadda Soomaaliya dhex
dhexaad ka noqon Karin arrimaha jira,marka la eego cadowga
dalka ku soo wajahan ee Tigreegga.

Naadigga Saxaafadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu tilmaamaa
kobciyaha Waxbarashadda Saxaafadda Soomaaliya,isagoo noqonayo
Naadigga bixiyay tababarkii ugu badnaa ee Warfidiyeenadda
Soomaaliya la siiyo.
Khadan Sheekh Axmed
Mogadisho – Somalia
Zamkhadan@yahoo.com
|