| |
Gudoomiyaha
Ururka Suxufiyiinta Somaliland iyo Socdaalkiisii Muqdisho
14 sano kadib.(Daawo sawiradii laga qaaday).

Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta
Somaliland ee SOLJA Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) ayaa
14 sano kadib ,waxaa uu booqasho sedex maalmood qaadatay
ku yimid Magaaladda Muqdisho.
Gudoomiyaha Solja oo ay Muqdisho
ku soo dhaweeyeen Wariyaasha Ururka Isu taga Suxufiyiinta
Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa booqday Goobo muhiim ah oo ay
ka mid yahiin ,Wasaaraddii Warfaafinta ee Radio Muqdisho,Xaruntii
Villa Soomaaliya ,Tiyaatarkii Qaranka,Taaladii Sayidka
iyo dhamaan Degmooyinka Magaaladda Muqdisho.

Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mustafe
Shiine ayeey Mas’uuliyiinta ASOJ ku soo wareejiyeen guud
ahaan qaybaha kala duwan ee Idaacadii Qaranka,isagoo sidoo
kalana la kulmay Agaasimaha Idaacadaas Cabdi risaaq Bahalaawi.
Mustafe Shiine oo ay Muqdisho ugu dambeeysay 1992-dii
ayaa sidoo kale waxaa uu la kulmay Madaxda sare ee Xafiiska
Warfaafinta Maxaakiimta Islaamka.isagoo booqday Degmadii
uu ku dhashay ee Waaberi.

Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa
Gudoomiyaha SOLJA qada sharaf ugu sameeyay Hotelka Peace
International ee Muqdisho,wuxuuna Mr Shiine ku nuuxnuuxsaday
in Muqdisho mudadii uu joogay uusan arag wax qori sito,isagoo
sidoo kale sheegay in marka dhab loo hadlo haatan la oran
karo Muqdisho waa Nabad.

Gudoomiyaha Ururka Isu Taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed
ee ASOJ Dahir Abdulle Alasow ayaa ku nuuxnuuxsaday in
Urur ahaan ay aqoonsan yahiin Jamhuuriyadda Somaliland,sidaas
daraadeedna ay soo dhaweeynayaan dhamaan xubnaha Ururka
Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA hadii ay doonayaan inay
booqashooyin ku maraan dhamaan goboladda koofurta Soomaaliya.

Mr Dahir Alasow,wuxuu tibaaxay inay farxad wayn u tahay
booqashadda Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland
uu ku yimid Muqdisho.
Khadan Sheekh Axmed
Mogadisho – Somalia
Zamkhadan@yahoo.com
|