Associated Somali Journalists *ASOJ*
English |  Arabic |  Somali |      
English UK Language Arabic Language Somali Language   Bogga'horeWararka XeerkaNagalasooxiriir FikirkeenaXubnaha   
Associated Somali Journalists *ASOJ*
Associated Somali Journalists *ASOJ*
 







 

Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta ASOJ iyo Madaxii Horumarinta iyo tababaradda BBC World Service-ka Maria Frauenrath oo ka wada hadlay .

Gudoomiyaha Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ Dahir Abdille Alasow iyo Maria Frauenrath iyo madaxii hore BBC World Service Training, G42, CB

Business Development Manager ayaa kulan gaara ku yeeshay Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa .

Maria Frauenrath iyo Dahir Alasow waxay ka wada hadleen sida loo hormarin karo Garaadka Suxufiyiinta da'da yar ee Soomaaliya.

Maria Frauenrath oo BBC World Service Training mudo dheer madax ka ahayd ayaa balanqaaday inay aad u jeceshahay Warfidiyeenadda Soomaaliya gaar ahaan kuwa reer Muqdisho oo ay mudo tababaro siineeysay.

Gudoomiyaha Associated Somali Journalists ASOJ wuxuu kaga mahadceliyay Maria Frauenrath sidii daacadnimadda lahayd ee ay kaalinta wayn uga Ciyaartay tababaridda jiil wax ku oola laga dhex arko Warbaahinta Soomaaliya sida bisha oo kale wixii ka dambeeyay 1991-ka,wuxuuna dhinaca kale xusay Mr Calasow in BBC-da haatan noqotay meel cakiran tan iyo markii ay isaga tagtay Maria.iyadoo heerka tababaradda la gaarsiiyay sagxadii ugu hooseeysay.

“ Maria waxaad noo tahay Macalimad aan xigmad badan ka siyaadsanay ,runtiina taariikh wanaagsan baad xageena ku leedahay “ ayuu yiri Dahir Alasow.

“ Waxaan ku raja waynahay inaan mar kale imaado Muqdisho oo tababaro cusub ka bilaabo “ ayay tiri Maria Frauenrath.

 

Bogga'hore | Wararka | Xeerka | Nagalasooxiriir | Fikirkeena | Xubnaha
© Copyright ASOJ, All Rights Reserved.