| |
Ururka
Isu taga Suxufiyiinta ASOJ oo WHO iyo Unicef ugu baaqday
inay magdhaw ka bixiyaan tacadigii garoonka Hargeysa loogu
geeystay Weriyaasha.
Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed
ee ASOJ ayaa Hay’adaha WHO iyo Unicef ugu baaqay inay
magdhaw ka bixiyaan tacadigii naxdinta lahaa ee Weriyaasha
Associated Somali Journalists { ASOJ} loogu geeystay Madaarka
Hargeysa oo ay ku xirnaayeen mudo iyagoo sooman oo afkoodu
xiran yahay.
“ Waa wax laga xumaado in Unicef iyo WHO Weriyaasha Soomaaliyeed
ku ridaan god oo ay kaga tagaan,waxaana nasiib daro ah
in Wariyaal iyo maamulayaal Warbaahineed ay lix saacadood
ka badan ku xirnaadaan madaarka Hargeysa sababa la xiriira
Hay’adahaas oo aan aqoonsaneeyn sharciyadda saxdaa ee
Xukumadda Somaliland “ sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha
Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed Daahir Abdulle
Alasow oo Muqdisho Shir Jaraa’id ku qabtay.
“ Weriyaasha lagu xiray Madaarka Hargeysa waxaa ka mida
Gudoomiye ku xigeenka ASOJ
iyo Wakiilka ASOJ ee goboladda Puntland,inkastoo ay dhamaantood
ASOJ yihiin,hadana dimbigu malahan Somaliland ee waxaa
iska leh Hay’adaha sibirka beertay ee sida qeeyru mas’uulnimadaa
Warfidiyeenadaas uga dejiyay Hargeysa,iyagoo hareer maray
Wasaaradda Warfaafinta Somaliland” ayuu si kulul u yiri
Dahir Alasow oo ugu baaqay labada Hay’adood ee Who iyo
Unicef inay magdhaw cad ka bixiyaan tacadiyadda loo geeystay
Wariyaasha ASOJ.
Ugu Dambeeyn Mr Alasow wuxuu u mahadceliyay Ururka Suxufiyiinta
Somaliland ee SOLJA oo uu sheegay inay kaalin wayn ka
ciyaareen sii deeynta Wariyaashii ku xirnaa Madaarka Hargeysa,waloow
uu xusay dhinaca kale inay ASOJ la xiriirtay Xukumadda
Somaliland gaar ahaan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo
Warfaafinta
|