| |
Kulankii
Warbaahinta iyo Maxkamadaha oo ku dhamaaday Jawi Farxadeed
kadib markii.
Kulan saacada socday oo u dhaxeeyay Maxkamadaha iyo Warbaahinta
Muqdisho ayaa ku dhamaaday jawi farxadeed kadib markii
Madaxa Warfaafinta ee Maxaakiimta Islaamka Sheekh Cabdi
raxiim Muudeey oo shaaca ka qaaday in Warbaahinta Madax
banaan tahay balse 13-ka qodob ee ay soo saareen tahay
soo jeedin ,loo baahan yahay in laga doodo,isagoo dhinaca
kalana xusay inay aad uga fiirsadeen sedex iyo tobanka
qodob,iyagoo ka tusaale qaadanaya sharuucda u degsan dowladaha
Dalalka Islaamka.

Suxufiyiinta Muqdisho waxay wax laga xumaado ku tilmaameen
war ay faafiyeen Ururka Wariyaasha aan xaduudka lahayn
kaas oo la rumeeysan yahay inay gudbiyeen shaqsiyaad dibad
jooga oo ku qaraabta magaca Suxufiyiinta Soomaaliyeed.
“ runtii warka ay faafiyeen RSF iyo IFJ wuxuu ahaa ayaan
oran karnaa mid lagu degdegay,waayoo wali Warbaahinta
Muqdisho cabasho kama soo yeerin,laakiin tusaale ahaan
qodobadaan waa kuwa laga doodi karo ee amar maaha,xitaa
dhinac kale aanu ka eegno,qodobka joojinta heesaha ,dadbaa
leh waa madadaalo,maaweelo,hees kaliya maaha maaweelo,ee
waxaa Maaweelo ah ,maqaaladda wanaagsan oo ay dadku xiiseeyn
karaan”sidaasi waxaa yiri Cabdiqaadir Walaayo oo ay Wakiisheen
Wariyaasha Muqdisho inuu u hadlo.

“ Waxaan sugeeynaa soo jeedintiina waxaana aad u jecelnahay
in wax walba hagaagaan,runtii ma aqbali karno Ururo Saxaafadeed
oo kala qaybsan sida dalka u kala qaybsanaa lix iyo toban
sano,waxaana horumar lagu gaari karaa isku duubni” sidaasi
waxaa yiri Madaxa Warfaafinta Maxaakiimta Islaamka Sheekh
Cabdi raxiim Muudeey oo intaas ku daray inuu Warbaahinta
ka sugayo Jawaab ay kaga hadlayaan aragtidooda 13-ka qodob
ee Maxaakiimta soo saartay.

Wakiiladda Warbaahinta Muqdisho iyo Ururadda Saxaafadda
ayaa dib u balamay maalinta Talaadada ah ,si ay u magacaawdaan
guddi gaara oo matala ,oo la xajooda Maxaakiimta.
Gudoomiyaha Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed
ee ASOJ Dahir Abdulle Alasow iyo Madaxa Warfaafinta Golaha
Maxaakiimta Sheekh Cabdi Raxiim Muudeey oo shir gaara
yeeshay kulankaas kadib ayaa isla falanqeeyay arrima badan
oo la xiriira sida ay wada shaqeeyn u yeelan karaan Suxufiyiinta
ASOJ iyo Xafiiska Iclaamka ee Maxaakiimta.

Sheekh Cabdi raxiim Muudeey ayaa u mahadceliyay dhamaan
Warfidiyeenadda ku bahoobay ASOJ kaalinta dhexdhexaadnimo
iyo wadaninimo ee ay ka istaageen warkii ka soo yeeray
RSF iyo IFJ.
Labada Mas’uul ee ASOJ iyo Maxaakiimta waxaa kale oo ay
ka wada hadleen sida Suxufiyiinta u heli karaan Madaxbanaani,una
fahmi karaan waxay tahay madaxbanaanidda Saxaafadda.

|