Associated Somali Journalists *ASOJ*
English |  Arabic |  Somali |      
English UK Language Arabic Language Somali Language   Bogga'horeWararka XeerkaNagalasooxiriir FikirkeenaXubnaha   
Associated Somali Journalists *ASOJ*
Associated Somali Journalists *ASOJ*
 







Suxufiyiinta ASOJ oo socdaal hoowleed u kala diray wafdiyadii ugu balaarnaa ee dalalka Yurub,Mareykanka,Barigga dhexe iyo Afrika.

 

Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa markii ugu horeeysay wafdigii ugu balaarnaa u kala diray dalal ka tirsan Qaarada  Yurub,Carigga Mareykanka,Barigga dhexe iyo dalalka Afrika.

Wafdiga Wariyaasha ASOJ oo isu qaybiyay lix wafdi kana kooban 33 xubnood oo ay kala hogaaminayaan qaar ka tirsan madaxda sare ee Ururka waxay u ambabaxeen  Washington,Paris,Khartoum,Doha,Capetown iyo Dubai.

Wafdiga Associated Somali Journalists  oo noqonayo xubnahii ugu badnaa ee safar dibada ah galo tan iyo markii Ururka la dhidbay 2003 wuxuu socdaalkooda khuseeyaa arrimo badan oo dhinac kala duwan la xiriira hasse yeeshee wafdigga Paris ayaa  casuumaad ka helay Ururka Wariyaasha aan xaduudka lahayn ee RSF si ay uga qaybgalaan dood la xiriirta Warbaahinta Afrika iyo heerka madaxbanaanida Jaraa'idka,waxaana lagu wadaa inay wafdigaas uu hogaaminayo Afhayeenka Ururka ASOJ u sii gudbaan Biljimka si ay ula kulmaan madax ka tirsan Ururka IFJ.

Wafdiga ASOJ ee Doha ayaa Casuumaad ka helay Dowlada Qatar oo mudo afar bilooda tababar siineeysay Suxufiiyiin da'yar oo Soomaaliyeed kuwaas oo tababarkooda uu u dhamaaday.

Wafdiga dhinaca Khartoum ku baxay wuxuu socdaalkooda khuseeyaa sidii ay Dowlada Sudan  deeqo heer jaamacadeed oo Waxbarasho u siin lahayd Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee hana qaaday wixii ka dambeeyay 1991-dii kuwaas oo Waxbarasho la'aan la ehel noqday.

  Wafdiga ugu balaaran ee ASOJ wuxuu socdaalo hoowleed ku mari doonaan Dalalka Afrika  gaar ahaan ,Capetown,Sinagal,Dakar,Kampala iyo Nairobi,iyagoo shirar iyo arimo kale oo xasaasiya uu khuseeyo socdaalkooda.

Wafdiga dhinaca Washington oo ka kooban laba xubnood ayaa Casuumaad ka helay Ururka Committee Protect of Journalists ee loo soo gaabiyo CPJ si ay uga wada hadlaan Xaalada Madaxbanaanida Soomaaliya iyo sida loo maareeyn karo caburinta iyo tacadiyada joogtadaa ee ay la derisnoqdeen.


 

Bogga'hore | Wararka | Xeerka | Nagalasooxiriir | Fikirkeena | Xubnaha
© Copyright ASOJ, All Rights Reserved.