Saxaafadda
oo guddi gaara u magacaawday wada hadaladda Maxaakiimta
ee
13-ka qodob.
Dhinacyadda Warbaahinta Soomaaliya ayaa markii ugu horeeysay
maanta guddi ka kooban shan xubnood u magacaawday wadahadaladda
Maxaakiimta iyo turxaan bixinta 13-kii qodob ee sharuucda
Saxaafadda loogu magacdaray kana soo baxay Xafiiska Iclaamka
iyo dacwadda ee Golaha Maxaakiimta.
Guddigaas la magacaabay oo kala matalayay Ururadda Saxaafadda,Idaacadaha
,Wargeysyadda iyo Website-yadda ayaa ka koobnaa sharciyan
afar xubnood,waxaase markii dambe lagu soo daray Cabdiqaadir
Walaaye oo helay xubin sharafeed,maadama uu ka mid yahay
Wariyaashii hore ee Somaliya.
Magacaabista xubnahaas matalaya Saxaafadda Soomaaliya
ayaa timid kadib markii buuq fara badan dhacay oo Gudoomiyaha
Ururka Suxufiyiinta ASOJ ahna Xoghayaha Guud ee NUSOJ
Dahir Abdulle Alasow ka biyo diiday in Ururadda Saxaafadda
uu metelo Cabdiqaadir Walaayo oo uu ku tilmaamay nin hoos
taga Cumar Faaruuq oo aan cidna matalin,kuna qaraabta
magaca Saxaafadda.
Mr Calasow wuxuu ku adkeeystay inuusan sina ku aqbali
karin Cabdiqaadir Walaayo iyo Cumar Faaruuq inay matalaan
Ururadda Saxaafadda Soomaaliya,wuxuuna ku baaqay in shirka
dib loo dhigo ,si uu la tashi ula soo sameeyo Gudoomiyaha
NUSOJ Maxamed Xaaji Barre { Fiyoore} iyo guddiyadda labada
urur ee NUSOJ iyo ASOJ.
Xoghayaha Guud ee NUSOJ ahna Gudoomiyaha ASOJ Mr Dahir
Cabdilahi Calasow ayaa ugu dambeeyntii ogolaaday in ururadda
uu ka socda ee ASOJ iyo NUSOJ ay u matalaan Yaasmiin Mayoow
Maxamed iyo Nuuradiin Macalin Mukhtaar { Diimoow} waxaana
guddigaas la isku raacay ugu dambeeyn ,Cali Iimaan Sharmaarke,Xasan
Maxamud { Xasan Fanax} Yaasmiin Mayow Maxamed,Nuuraadiin
Macalin Mukhtaar iyo Cabdiqaadir Walaayo,waxayna khamiista
shan saac ku balameen Idaacadda Hornafrik.
Shirka Suxufiyiinta ee lagu magacaabay guddigga shanta
xubnood ka kooban waxaa waji gabax kala kulmay Xoghayahii
hore ee NUSOJ Cumar Faaruuq kadib markii dhinaca aqlabiyadda
codka Suxufiyiinta looga adkaaday,waxaana la arkayay isagoo
Hotelka uu shirka ka dhacayay ee Peace ka sii huleelayay
isagoo madaxa heeysta ,cara fara badana ka muuqato.
Abdikadir Elmi Isse { Honest}
Mogadishu - Somalia
|