| |
Wariye
Mohamed Amiin oo laga sii daayay Xabsigga Magaaladda Jowhar
3 maalmood kadib.
Wariye Mohamed Amiin oo ahaa Wariyaha uga soo waramayay
Jowhar Idaacadda iyo Tv-ga Global Broadcasting Cooperation
ayaa laga sii daayay xabsigga Magaaladda Jowhar ee gobolka
Sh/dhexe kadib markii uu halkaas ku xirnaa mudo sedex
cesho ah.
Wariyaha ayaa loo xiray arrimo la xiriiro inuu faafiyay
codad dad dhan 80 qofood oo ka cabanaya musuqmaasuq la
xiriiro cunto gargaara oo jawhar lagu qaybiyay,taas oo
ay dadku sheegayeen in lagu bixiyay hab qabiil ,iyadoo
dad noloshooddu sareeyso loogu geeyay guryahoodda halka
iyagana lagu qadiyay.
Wariyaha 22 jir ah ,wuxuu ku dhashay Magaaladda Jowhar
isagoo seexa jiray dhulka xabsigg oo aad u liitay dhinaca
Caafimaadka.
Mudadii uu xirnaa Maxamed Amiin waxaa xabsigga kula dhacday
Malaariyadda wuxuuna haatan ku sugan yahay Jowhar isagoo
xanuunsanaya.
ASOJ waxay ugu baaqeeysaa Maamulka Sh/dhexe inay ilaaliyaan
madaxbanaanidda Jaraa’idka,waxayna aad uga xanuunsaneeysaa
Wariyahaas sedexda cesha ku xirnaa xabsigga Jowhar.
Dahir Abdulle Alasow
Mogadishu - Somalia
|