|
Dahir Alasow” Khilaafka u
dhaxeeyo gabdhaha Saxafiyiinta waxaan ka gaarnay qaraar”.
Gudoomiyaha
Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa
shaaca ka qaaday in la soo afjarayo khilaafka la buun
buuniyay ee ka dhex jira gabdhaha Suxufiyiinta
Soomaaliyeed ee ku sugan Nairobi.
“Hogaanada labada Urur ee WOJA iyo DUWJA waan la
hadlay,waxaana ku wargeliyay inaan qaraar ka gaarnay
khilaafkooda,sidaas daraadeedna,waxay naga balanqaadeen
inay u hogaansamayaan,waxaana dhawaan la qabanayaa xaflad
ay si buuxdo isugu cafinayaan si ay u wada
shaqeystaan,isuna caawiyaan” ayuu yiri Dahir Alasow .

Dahir Abdulle Alasow oo war ka soo saaray Paris wuxuu
xusay inuu isaga shaqsiyan taageerayo sidii gabdhaha
Saxaafadda Somalia uga bixi lahaayeen liidnaan iyo
xaqiraad looga takooray qabashada hogaan saxaafadeedyadda
Somalia.
“Shaqsiyaadkii gabdhaha Saxaafadda weligood ku taagnaa
ayaa maantana ka dhex shaqeeynaayo,taas ma sii shaqeeyn
kareeyso,waxaana ugu baaqayaa dhamaan hablaha Saxaafadda
Somalia inaysan meel kaga dhicin magacooda wanaagsan oo
noqdaan kuwa isku duubni ku wada shaqeeya” ayuu yiri
Gudoomiyaha ASOJ Mudane Dahir Alasow.
“Xamdi Maxamed Kediye iyo Fardowsa Kuuriya waa labadeeyda
gacmood,waxaana ku faraxsanahay dhamaan gabdhaha la kala
safan oo aan isku asxaab nahay,waxaan leeyahay hoowl culus
ayaa idin sugeyso,waana inaad ka gudubtaan ciladahii Ragga
looga bartay ee is naceybka iyo hab dhaqanka hogaamiye
kooxeedyadii Muqdisho ama horboodayaasha Saxaafadda” ayuu
ku soo afjaray Warkiisa Mr Alasow

ASOJ Secretary of Public
relations
Mohamed Osman Sheik Qadafi
Amestradem- Holland
M_qadaafi@hotmail.com
|