|
Ururka
ASOJ oo soo saaray warsaxafadeed ay ugu tala gashay
maalina saxafada somaliya kaa uga hadlaysay dhibatoyinkii
dhacay sanadkii lasoo dhaafay ee 2007.
Warsaxafadeed
ay soo saaray ururka suxufiyinta somaliyed ee ASOJ oo ku
aadanayd maalinta saxafada somaliya ayaa ugu hadlayay
dhibaatoyinkii iyo tacadiyaadii ka dhacay wadanka
somaliya ee loo geystay bahda saxafada soomaaliyeed.
War
saxafadeedkaasi oo ka koobnayd ilaa 8-bog ayaa waxaa lagu
xusay in sanadkii tagay ee 2007 uu ahaay sanadkii ugu
dhibatada badnayd ee soo marta saxafiyiinta iyo saxafa
somaliyed, isla markaane loo geytay tacadiyo ka dhan ah
xoriyatul qowlka oo lagu caburinayo howshooda shaqo.
Waxa
lagu sheegay warsaxafadedka in la dilay wariyaal gaarayo
8-qof, sidoo kalane la xir xiray wariyaal ka howl gala
saxafada iyo warbahino madaxbanaan, jirdilo iyo
dhaawacyane loo geystay saxafiyiin somaliyed kuwaas oo
jirin cid wax ka qabatay ama tilaabo ka qaaday cidii
fulisay.
Warsaxafadedkaan
uu ku sixiixnaay ku-Simaha Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta
Somaliyed ee ASOJ Maxamed C/nuur Maxamed (Sacuudi) ayaa
lagu sheegay in kooxaha ku dagalamayo wadanka somaliya
gaar ahaan dowlada federalka ee ka talisa qeybo badan oo
wadanka somaliya ay dhibaatoyin bareer ah u geysatay
saxafada somaliya.
Waxa
ay warxafadeedku wuxuu sidoo kale xusay in kadib
markii ay dowlada federalka oo kaabayaan ciidamada itobiya
ay kala wareygtay qeybo badan oo koofurta somaliya
maxaakintii islaamka ee ka talin jiray ay bilwday iney
xirto warbaahino xor ah iyo wariyaal ka shaqeyo saxafada
si sharci daro ah oo geedna loogu soo gamban.
Warsaxafadedka
ay soo saartay ururka ASOJ ayaa lagu sheegay in loo
gudbiyay hanjabaadyo wariyaal ka howlgala gudaha somaliya
oo loogu sheegayo in la dili doono hadaysan joojin
baahintooda madaxa banaan ee ku dheehan soo gudbinta
xaqiiqda taagan iyo dhibaatoyinka ku dhacayo shacabka
somaliyed ee lagu dul dagalamayo, taasi oo u hanjabayeen
kooxaha kala duwan ee isku haya wadanka somaliya.
Wadanka
somaliya oo ka jirto saxafad xor ah ayuu sheegaysaa
warsaxafaded ururka saxafiyiinta somaliya ee ASOJ iney ka
xunyihiin in dowlada federalka ay caburin u geysato bahda
saxafada iyadoo sheeganaysa iney tahay dowlada
dimuqradiyad ku dhisayn oo u adeygaysa saxafada somaliyed.
ASOJ
ayaa waxey codsatay in lasoo daayo wariyaasha u xirxiran
maamulka dowlada fderalka iyo maamul goboledyada sida kan
puntland oo xabsiyadooda ku jiraan wariyaal aysen jirin
wax cad oo lagu haysto lana soo taagin maxkamad, kuwaa oo
laga qaaday xuriyadi ay lahayeen.
Waxa
uu soo dhaweeyay hadaladii kala gaarka ahaay ee kasoo
baxay ra?isul wasaraha cusub ee dowlada federalka nuur
cadde iyo wasiirkisa warfaafinta axmed c/salaan ee ku
sheegayn in aysen jirin doonin wax caburin ah oo lageysan
doono saxafada xorta ah ayna ka hortagi doonaan cidkasta
ee wada caburin ay ku sameynayso saxafada madaxa banaan. .
Waxay
ururka ay ku midaysan yihiin suxufiyinta somaliyed ee ASOJ
balan qaaday inay la shaqeyn doonan xukuumada cusub iyo
wasarada warfaafinta, iyagoo balan qaaday iney ilaalin
doonan shuruucda iyo anshaxa u yaalo saxafada xorta ah.
Somaliya
ayaa waxa ka dhacay sanadkii tagay tacadiyo baraaran oo
loogeystay saxafada xorta ah ee somaliya, waxeyna sanadkii
tagay noqotay wadanka labaad ee aduunka ku dhibataysan
yihiin saxafada xorta lana caburiyo.
Waxaa
iskaga hayaamay wadankoodi somaliya wariyashi ugu badnaa
ee abad ka taga wadanka, kuwaas oo gaaray wadamada u
dhawdhaw somaliya oo ka mid tahay jabuti, Kenya iyo
yugandha
Ugu
danbeyntii Ururka ay ku mideysan yihiin ururka suxufiyinta
somaliyed ee loo soo gaabiyo ASOJ ayaa waxa uu u rajeeyay
wariyasha somaliyed in sanadka cusub ee 2008 iney jka bixi
doonaan dhibatoyinka iyo caburinta ay la kulmayn sanadkii
tagay isla markaane uu noqon doono sanadkaan mid ay ku
diirsadaan
Waxa
ku saxiixan Warsaxaafadeedkaan , Ku-Simaha Gudoomiyaha Ururka ASOJ
Maxamed C/nuur Maxamed (Sacudi)
Xasan
cumar maxamed baaffo.
Xasancumar15@hotmail.com
|