|
Shabaabka oo ku
hanjabay inay dilayaan Wariye Dahir Alasow.
Xoogaga Shabaabka
ayaa ku hanjabay inay dilayaan oo ku raadjoogaan Wariye
Dahir Abdulle Alasow (Dahir yare) oo tifaftire ka ah
website-ka Waagacusub.com oo ka mida Shabaakadaha Somalida
kuwa ugu afka dheer ee wax ka qora arrimaha xasaasiyada
xambaarsan.

Website-ka ku hadla Afka Shabaabka ee www.almujaahid.com
ayaa la soo dhigay sawirka Dahir Alasow iyo Warbixin loogu
hanjabayo iyadoo lagu eedeynayo inuu faafiyay warbixin ku
saabsan khilaaf kala dhexgalay madaxda Shabaabka oo
sababay in xilkii laga qaado Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu
Maansuur) oo hore u sheegtay inuu yahay Afhayeenka
Xarakadda dhaqdhaqaaqa Shabaabka ee ka dagaalama Muqdisho.
sidoo kalana cambaareeyay Isbahaysiga dib u xoreynta
Soomaaliya.
“Abuu Maansuur wuxuu ii soo diray Email iyo telefoono fara
badan,wuxuu iigu hanjabay inuu I dilo doono laakiin waxaan
ugu jawaabay Ilaaheey igama xigtid,mana tihid malakul
Jabriilka nafta qaada”ayuu yiri Dahir Alasow oo ah
Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee
ASOJ iyo Tifaftiraha guud ee Waagacusub.com
Dahir Abdulle Alasow wuxuu sheegay in Salfudeedka
Shabaabka uu yahay kan sabab u noqday dhibaatooyinka ka
jira dalka Soomaaliya ee shacabka Soomaaliyeed lagu
xasuuqayo,wuxuuna xusay in dhaqanka lagu yaqaan ay ka mid
tahay in muslimiinta ay ku laayaan waa jaajuus iyo gaalbuu
telefoon kula hadlay,wuxuu salaamay Wasiir hebel.taasna
maaha mid shaqo ku leh diinta Islaamka ee nasteexadaa
laakiin waxaa laga yaabaa inay ku dhaqmayaan Kitaab
Afghanistan looga qoray.
“Abuu Maansuur iyo Shabaabkaba waxay Saxaafadda Soomaaliya
gaarsiiyeen heer aan wax laga sheegi Karin,waxaana la
waayay xitaa cid dhahdo Abuu Maansuur wuxuu ku jiraa
liiska ragga Mareykanka baadigoobayaan ee argagixisada ay
ku dareen,waxaanse u arkaa hanjabaadiisa mid muujineyso
dhaqankiisa guracan”ayuu yiri Dahir Alasow oo ka
jawaabayay hanjabaada Abuu Maansuur.
Dahir Alasow ayaa Muqdisho isaga hayaamay bartamaha bishii
May ka gadaal markii Dowlada Federalka iyo xoogaga
Shabaabka u hanjabeen,wuxuuna mudo ku sugnaa Hargeysa
isagoo haatan ku nool Dalka Kenya.
Dowlada Federalka ayaa Hanjabaad la mida tan Shabaabka u
jeedisay Dahir Alasow kadib markii uu 13-kii October ee
sanadkaan faafiyay warbixin la xiriirtay in khilaaf weyn
kala dhexgalay Madaxweyne Yusuf iyo Ra’isulwasaarre
Geeddi,uuna Cabdulahi Yusuf doonayo inuu xil ka qaadis ku
sameeyo Cali Geeddi
Wariye Dahir Abdulle Alasow oo mudo laga joogo labo
sanadood kuna beegneed 01.12.2005 ay Maxkamada Alfurqaan
ku riday xukun la xiriiray sedex bilood oo xariga hasse
yeeshee gaashaanka ayuu ku dhiftay kadib markii dood ay
qabanqaabisay Idaacadda Banaadir lagu kulan siiyay
Gudoomiyahii Maxkamadii Islaamiga Alfurqaan Sheik Axmed
Macalin Yusuf iyo Tifaftiraha Waagacusub.com Dahir Alasow.
http://www.qarannews.com/show/7359.html
Wariye Dahir Alasow waxaa uu caan ku yahay faafinta warar
ay inta badan ka baqdaan Saxaafadda Soomaaliya iyadoo taas
ka dhigtay website-ka uu maamulo midka ugu akhristayaasha
badan.
Sanadkaan gudahiisa Soomaaliya waxaa lagu dilay 8 Wariye
inkale oo badana waa lagu dhaawacay halka boqol
Wariyeyaalana ay isaga qaxeen dalka.

Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa
cambaareeyay Hanjabaada Shabaabka ay ku hanjabeen inay
dili doonaan Tifaftiraha guud ee Waagacusub Media Dahir
Alasow.
Sheikh
Mukhtar Rooboow Abuu Maansuur ayaa ka mida lixda nin ee
Soomaalida u dhashay uuna Mareykanka ku daray liiska
argagixisada Caalamigaa ee ku sugan Somalia
http://www.state.gov/p/af/rls/fs/2007/79383.htm
Siciid Cumar Baaffo
Xanafi88@hotmail.com
|