|
Ururka
Suxufiyiinta WAJ oo Wacdaro ka dhigay Kismayo,daawo
Sawiradda
Ururka isu taga Suxufiyiinta Waamo ee
loo yaqaan WAJ ayaa markii ugu horeysay xaflad balaaran ku
qabtay Magaalo Xeebeedka Kismayo ee Jubooyinka.

Xafladaas oo ay qaban qaabiyeen Masuuliyiinta sare ee Wamo
Association Journalists {WAJ} waxaa ka qeyb galay ku
simaha Gudoomiyaha gobolka Axmed Cabdi Cumar sandheere, ku
simaha duqa Magaalada Kismayo Maxamed Nuur Xasan
Gacmadheere,Gudoomiyaha Ururka Xaquuqul Insaanka ee FAHRO
Cali Baashi Cabdulaahi Cigaal,Masuuliyiinta waxbarashada
gobolka,Ururada haweenka iyo dadweyne aad u fara badan.

Suxufiyiinta Waamo waxay munaasabadaasi ku faahfaahiyeen
wax qabad kooda iyo sida ay u doonayaan in jubbooyinka ay
uga shaqeeyaan iyagoo tilmaamau in hadafkooda ugu weyn uu
yahay sidii ay isugu xirnaan lahaayeen dhamaan
Suxufiyiinta goboladda Jubadda dhexe iyo Jubadda hoose.

“Waxeynu ka soo horjeednaa tacadiyada loo geysanayo
Suxufiyiinta Soomaaliyeed meel walboo ay ka howlgalaan
waxaana la wada ogyahay in Somalia wariyeyaasha ka
howlgala loo geysto Dilal, Xarig iyo handadaad taasina waa
mida aynu dooneyno in aanu ka hortagno”ayey tiri
Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Waamo Mrs Laylo
sheikh Aadan oo munaasabadaasi ka jeedisay khudbad
dhinacya badan oo ka turjumeysay aragtida Ururka ay ku
midoobeen Suxufiyiinta Waamo.

Ku simaha gudoomiyaha gobolka jubada hoose Axmed Sandhere
oo ka hadlay munaasabada Ururka Suxufiyiinta WAJ ayaa
sheegey in ka maamul ahaan ay gacan ka geysan doonaan sare
u qaadida ururka ay ku mideysan yihiin inta badan
Suxufiyiinta jubbooyinka ee WAJ.
“Way haboon tahey in maanta la helo meel Suxufiyiinta
jubbooyinka loogu hagaago tanina waxa ay ka mid tahey
talaabooyinka horumarka leh ee ay qaadeen wariye yaasha ka
howlgala magaalada kismayo”ayuu yiri gudoomiyaha gobolka
Axmed Sandheere oo khudbad dheer ka jeedinayay Xafladda
Ururka Suxufiyiinta Waamo ee marka la soo gaabiya loo
yaqaan WAJ.

sidoo kale waxaa xaflada ka hadlay gudoomiyaha Ururka u
dooda Xaquuqul insaanka ee FAHRO Cali Baashi waxa uuna
sheegey in uu aad ugu faraxsan yahey in xafladaas uu ka
qeyb galo, uuna arko Suxufiyiin isku xiran oo himiladooda
tahay inay hiigsadaan horumar sare u qaadi kara xirfadooda
shaqo maadaama ay yihiin kuwa fir fircoon marka howlahooda
shaqo ay gudanayaan.

Masuuliyiinta ururka Suxufiyiinta Waamo ayaa xafladaas ku
balan qaadey in dhalinyarada jubooyinka camal la'aanta ku
haysato ay siinayaan tababaro dhinaca Saxaafada ah si ay u
helaan xirfado ay ku shaqeystaan, noloshoodana ay ugu
maareeyaan maadama intooda badan ay yihiin kuwa aan haysan
waxyaabo ay ku shaqeystaan.
Ururka Waamo Association Journalists WAJ ayaa shaaca ka
qaaday inay hoostagaan urur weynaha isu taga Suxufiyiinta
Soomaaliyeed ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano
ASOJ.

Wakiilka Ururka ASOJ ee goboladda Jubooyinka Farxaan
Lafoole oo isagana khudbad dheer ka jeediyay xafladaas
ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay isku duubnaanta
iyo horumarka ay hiigsanayaan Suxufiyiinta goboladda
Jubooyinka ee ku midoobay WAJ.
“Ururka ASOJ waa urur ay ku mideysan yihiin dhamaan
Suxufiyiinta Soomaaliyeed waliba Weriyaasha Proffesionalka
ah,waxaana ii farxada inaan idiin sheego,aqoonsi inaan ka
heysano DFKMG iyo Hay’adaha Saxaafada Caalamka
qaarkood,waxaana anigoo ku hadlaya magaca Ururweynaha
ASOJ,idin leeyahay,waxaan ka mid ahay WAJ,waxaana idinkala
qeybqaadan doonaa sidii Saxaafadda gobolka looga ridi
lahaa heeryadda.

Guud ahaan ka qeybgalayaashii xaflada Xariga looga jarayay
Ururka isu taga Suxufiyiinta Waamo ayaa niyad furan iyo
farxad ku soo dhaweeyay,waxayna horumar iyo farxad ku
tilmaameen inay Waamo yeelato Urur Saxaafiyiinta ku
mideysan yihiin.
Si kastaba ha ahaatee,Ururka Suxufiyiinta Waamo ayaa la
oran karaa waxay Kismayo ka sameeyeen dhoolatuskii ugu
balaarnaa ee ay ku muujinayaan sida ay isugu duuban
yihiin,waxaana la filayaa in Ururada gobolada kale ee
Soomaaliya ay sameeystaan xaflada nuucaasa oo ay ku
muujinayaan isku duubnidooda Saxaafadeed.
|