|
Kulan looga hadlayay
Saxaafadda Soomaaliya oo ka dhacay Holand,daawo
sawiradda.
Kulan balaaran oo looga hadlayay Tacadiyadda Saxaafadda
Soomaaliya iyo kaalinta ay ka qaadan karaan xal u helida
xaaladda Soomaaliya ayna soo qaban qaabisay Hay’adda
Dalmar Foundation ayaa ka dhacday Magaaladda Denhage ee
Dalka Holand.

Kulanka Denhage oo ay ka qeybgaleen qaar ka mida
Weriyaasha ugu caansan Soomaaliya ee Ururka isu taga
Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa wejigiisa hore ee
qadada wuxuu ku biloowday isbarasho guud oo ay isku
baranayeen Madaxda Dalmar Foundation iyo Weriyaasha
Soomaaliyeed ee ASOJ kuna nool dalka Holand,waxaana
wejigii 2-aad loo gudbay dood la xiriirtay kaalinta
Saxaafadda Soomaaliya ka qaadan karo xal u helida
xaaladaha murugsan ee Soomaaliya iyo dariiqa ugu haboon ee
loo mari karo.

Cabdi Maalik Yusuf oo ka mida madaxda Dalmar Foundation
ayaa Weriyaasha uga warbixiyay waxqabadka Hay’adda Dalmar
Foundation iyo dareenkeeda dhinaca Warbaahinta,wuxuuna
sidoo kale Weriyaasha ku casuumay inay booqdaan Xarumaha
Radio Dalmar ee Denhage iyo Amestradem maadama ay tahay
idaacadii ugu horeysay ee ku baxda afka Soomaaliga lagana
hergeliyay dalka Holand.

“Waxaynu idinkuugu casuunay kulankaan inaan is aragno
maadama aan dalka idin kaaga soo horeynay,waxaynu ujeedadu
tahay sidii aan isaga kaashan lahayn horumarinta
Saxaafadda sidaas darteed,waxaan idin leeyahay ku soo
dhawaada Holand gaar ahaan Xarunta Dalmar Foundation”ayuu
yiri Cabdi Maalik Yusuf oo dhinaca kale xusay inay ka xun
yihiin tacadiyada lagula kaco Saxaafiyiinta ee sabab u
noqotay inay badankood amaan xuma uga soo cararaan dalkii
Hooyo.

“Dalmar Foundation waxay leeyihiin Radio,xarumo waaweyn
waxay ku leeyihiin Denhage iyo Amestradem,waxay sameeyaan
ducoments Video ka hadlaya xaalada Soomaaliya,waxay
bixiyaan tababaro gudaha Somaliya iyo wadamada yurub,waxay
caawiyaan dhalinyarada,waxayna ku caawiyaan inay dhaqanka
wax ka baraan,.waxay leeyihiin Radio Dalmar,waxaa
barnaamijyada ka baxa ka mida RADIO DALMAR KA BARO LUQADA
NEDERLANDSE” sidaas waxaa ku warbixiyay Asad Maxamed

“Inaad Holand noogu timaadaan waan ku faraxsanahay waana
ka xunahay,waxaan ula jeedaa ,waxay ahaydeen ilahii aanu
warka gudaha ka heli jirnay,taas ayaan uga xunahay hadana
dhinaca kale waan idinku faraxsanahay oo runtii waan u
baahanahay wada shaqeyntiina iyo inaad reer Holand
noqotaan”ayuu yiri Xasan Daa’uus oo ka mida hoowlwadeenada
ku xeeldheer dhinaca Saxaafadda ee Dalmar Foundation.

Xoghayaha Xiriirka arrimaha bulshadda ee ASOJ Mudane
Maxamed Cismaan Sheekh Qadaafi oo ka hadlay kulanka ayaa
sheegay in tacadiyada ay la kulmaan Weriyaasha
Soomaaliyeed gaar ahaan Muqdisho ay ka dhigan tahay kuwa
naxdin badan oo nolosha iyo xaquuqda Saxaafiga hareer
marsan

“Wuxuu ujeedkeenu yahay inaan bal wax badan isla
gorfeeyno,waxaana dooneynaa inaad war naga siisaan
dhibaatadii aad kala kulanteen Muqdisho ee shaqadiina
Saxaafadeed maxaa yeelay anagu dalkii waxa ka dhacaya hoos
uma maqalno ee warbaahinta keliyaan kala soconaa”ayuu yiri
Mr Asad Maxamed oo ka mida madaxda Dalmar Foundation ee
leh aqoonta Saxaafadda kuna shaqeeya.

Iman Icar Dalmar oo ka mida madaxda Dalmar Fundation ahna
rug cadaa Saxaafadeed ayaa ka sheekeeyay taariikhda
Saxaafadda Soomaaliya iyo waxqabadka Dalmar Foundation
isagoo xusay inay dareemayaan guud ahaan xaaladaha ay ku
sugan yihiin shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Weriyaasha
Soomaaliyeed.

“Waxaan ku faraxsanahay in kulankeena ay nagala
qeybgalayaan gabdha metelaya Saxaafadda Soomaaliya maxaa
yeelay kulamadii aan ka qeybgeli jiray waxay ahaayeen kuwa
u badan,tani waa mid lagu farxo,waxaana jeclahay inaan
karaankeey idinku garab istaago hindisayaasha ka soo baxa
kulankaan”ayuu yiri Awes Mohamed oo ka mida aqoonyahanada
Soomaaliyeed ee hada ku nool Dalka Ingiriiska,kana mida
Hay’ada Dalmar Foundation.

Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee
ASOJ Dahir Abdulle Alasow ayaa madaxda Dalmar Foundation
kaga mahadceliyay qado iyo casha sharafta ay u
sameeyeen,wuxuuna ku tilmaamay mid taariikhiya waloow uu
dhinaca kale xusay inaysan ahayn kulankii ugu horeeyay ee
Dalmar Foundation casuunto Weriyaal Soomaaliyeed.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa martiqaadkiina qiimaha
badan anigoo ku hadlaya dhamaan magaca Weriyaasha
Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku sugan dalka Holand ee aad
Casuumaada u sameeyseen,dabcan maaha mid idinku cusub
maxaa yeelay waxaan xasuustaa kulankii aad u qabateen
Weriyaasha Yurub iyo Mareykanka ku nool ee Soomaaliyeed
intii u dhaxeysay 2003 ilaa 2004”ayuu yiri Gudoomiyaha
Ururka ASOJ Dahir Abdulle Alasow.

Dahir Alasow wuxuu sheegay inay dhibaato heysato
Weriyaasha Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo
dalalka la deriskaa sida Somaliland,Itoobiya,Uganda iyo
Kenya,wuxuuna hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in
gurmad dhaba loo fidiyo maadama ay u dhaxeeyeen laba
kooxood.


“Saxaafadii Soomaaliya waxaa sameystay ganacsato aan
badankood aqoon u lahayn sharciga Saxaafadda,waxayna taas
lumisay sharaftii Saxaafigga baahan ee aan ka maarmin inuu
ku shaqeeyo qaab u dhigma gumeysi,waxaa xaaladaha nuucaasa
sii murjiyay kooxaha isku haya Soomaaliya oo
bartilmaameedsanaya Saxaafadda,runtiina way ila tahay in
xooga la saaro sidii xaaladaha nuucaasa wax looga qaban
lahaa”ayuu yiri Dahir Alasow.

Inkastoo ay doodo kulul ka jeediyeen kulanka Weriyaal
caana oo ay ka mid yihiin Maxamed Cismaan Sheekh
Qadaafi,Shukri Macalin Cabdi Raxmaan(Shukri Shuute)
Farxiyo Maxamed Maxamud (Farxiyo Sabaax) Maxamed Axmed
Cali Sandiir,Cabdi Raxmaan Guurre (Gentlemen) Axmed Cabdi
Wahaab, hadana waxaa la isla afgartay in kulan kale dib
loo kulmo si loo meelmariyo wax ka qabashada ajandayaasha
laga hadlay oo kala ah:-

1-Sida ugu haboon ee Saxaafadda gacan uga geysan karto
badbaadinta dalka ee dhinaca Warbaahinta
2-Sida ugu haboon ee wax loogu qaban karo Saxaafiyiinta ku
dhibaateysan gudaha Somaliya iyo dalalka la deriska
3-Sida wax looga qaban karo dhibaatooyinka lagala kulmo
ganacsatada iska leh Warbaahinta Soomaaliya ee Saxaafadii
ka dhigay mid ku shaqeysa danahooda gaarkaa oo ay fuliyaan
shaqsiyaadka ay maamulada u dhiibteen
4-Sida ugu haboon ee loo ciribtiri karo in Weriyaasha
qaarkood ku shaqeeyaan xaalado qabiil halka looga baahan
yahay mid heer Qaran iyo madaxbanaanida Saxaafadda.

|