|
|
Baaq
ka soo baxay Women Journalists in Action
BAAQ
25/08/2008
Ururka dhaqaaqa haweenka
suxufiyiinta ee (WOJA) waxa uu soo
saaray baaq ay ku cambaareeynayaan afduubka lagu heysto labo wariye
oo reer galbeed ah lagana afduubtey duleedka magaalada muqdisho.
Baaqooda waxeey ururka (WOJA) ku sheegeen labada weriye oo
ahaa weriyaal madaxbanaan laguna kala magacaabo Mrs.Amanda
Lindhout,oo 26jir ah una dhalatey dalka Canada kana tirsaneyd
telefishinka France iyo wargeyska global National News fadhigiisu
ahaa magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.
Saxafiga labaad oo isaguna lagu magacaabo Nigel Brennan,ayaa
ahaa 27jir u dhashey dalka Australia saxafigaan ayaa isagu ahaa
wariye madax banan iyo sawirqaade.
Sida ku cad baaqaan ay soo saareen maantey ururka WOJA wariyaashaan
oo xiligii la afduubanayey booqanayeen xero qoxooti
oo ay ku jiraan dad soo barakacay oo ku taala duleedka magaalada
Muqdisho ayaaney jirin ilaa iyo hadda cid sheegatey masuuliyada
afduubkaas iyo sababaha loo haysto wariyaasha ajnabiga ah oo
xoriyadoodii la, maalintii sadexaad.
Woja waxey kaloo sheegtay in lala afduubtay wariyaashaasi wadihii
u gaariga ay la socdeen iyo turjumaankii.
Ugu danbeyntiina ururka dhaqaaqa haweenka saxafiyiinta Soomaaliyeed
WOJA waxeey ka codsanayaan afduubayaasha iney
si sharuud la’aana ku soo daayaan ayadoo uusan qabin sharciga
Islaamka iyo baaqa caalamiga toona.
Baaqaan waxaa ku saxiixan
Gudoomiyaha dhaqaaqa haweenka saxifiyiinta ah WOJA
Fardowsa sh xasan kuriya
|
|
|