|
|
ASOJ oo Yusuf
Indhacadde ugu baaqday inuu sii daayo Weriyeyaasha Ajnabi.
Ururka isu
taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa Xoghayaha difaaca ee
Isbaheysiga dib u xoreynta garabka Casmara Yusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde)
ugu baaqday inuu go-aan sharuud la’aana ku sii daayo Weriyeyaasha
ajnabi ee maleeshiyadiisa ka afduubatay degaanada u dhaxeeya
Muqdisho iyo Afgooye.
“Adigoo tixgelin siinaya madaxbanaanida Saxaafadda iyo
dhexdhexaadnimada aan ku hoowlgeleyno xilliga adag,waxaan kuugu
baaqeynaa inaad sharuud la’aan ku sii deysid Weriyeyaasha ajnabi ee
Maleeshiyadaada u afduuban”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed Associated
Somali Journalists ka soo saartay Muqdisho.
Xafiiska ASOJ Muqdisho ayaa Warsaxaafadeedka ku xusay inuu yahay mid
ay soo saareen ka gadaal dabagal dheer oo ay ku xaqiijiyeen in
garabka Yuusuf Indhacadde afduubteen labada Weriye taasna ay tahay
mid aan indhaha laga qarsan Karin.
“Saxaafiyiinta Soomaaliyeed dhamaan way ka xun yihiin in dalkooda
lagu afduubto Weriyeyaal ajnabi oo gudanaya waajibaadkooda
shaqo,waxaana si toosa u cambareynaa falka guracan ee lagu afduubtay
ajnabiyiinta”ayaa nuqulka hoose lagu soo afjaray Warsaxaafadeedka
Ururka ASOJ.
Degaanada Muqdisho iyo Shabeeladda dhexe ee loo barakacay waxaa lagu
afduubtay samafalayaal ajnabi iyo Somali isugu jira kuwaas oo
qaarkood laga maqaashay ,lagana qaatay Malaayiin dollar halka tiro
kalana weli lagu heysto afduub.
Abdisalaan Abdulle Alasow
abdisalaan@hotmail.co.uk
|
|
|