|
Ururka
Suxufiyiinta ASOJ oo baaq ujeediyay Xukumadda iyo
Warfidiyeenadda Somaliland.
Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee
ASOJ Mr Dahir Abdulle Alasow ayaa baaq dhaxal gala u kala
diray Xukumadda iyo Warfidiyeenadda Madaxa banaan ee
Jamhuuriyadda Somaliland.
“Xukumadda iyo Warfidiyeenadda Somaliland waxaan ugu baaqi
lahaa inaysan lumin miisaanka dimoqoraadiyadda,ayna
tusaale wanaagsan u qaataan garasho xumida heerka ay
gaarsiisay geyiga koofurta Soomaaliya” ayuu yidhi
Gudoomiyaha ASOJ Mr Alasow.

Dahir Alasow wuxuu Xukumadda Somaliland ugu baaqay inay
sharuud la’aan ku sii deyso Weriye Foosi ayna gacan ka
geysato sidii gudiyo kala metelaya Wasaaradda Warfaafinta
Somaliland iyo Dallada Midowga Suxufiyiinta Somaliland loo
dhisi lahaa si wadajir loogu gorfeeyo,maxaa saxa maxaase
qalada.
“Saxaafadda Somaliland waan ugu baaqi lahaa inaysan halis
ku noqon horumarka iyo geeddi socodka dimoqoraadiyadda
Somaliland,waxayse sharciyadu tahay in Xukumadda tixgelin
siiso oo tilaabo kasta kala tashato Union Of Somaliland
Jornalistis (USJ)) si aysan meel ka dhac ugu sameeyn xeer
sharafeedka Saxaafadda ka dhigaya awooda afaraad ee Dalka”
ayuu Warsaxaafadeedkiisa ku koobay Dahir Abdulle Alasow oo
dhinaca kale hambalyo gaara u diray madaxda Dalladda
Suxufiyiinta USJ oo uu ku sifeeyay hoowlwadeeno sumcad
wanaagsan ku dhex leh bulshada lagana sugayo inay dhexda u
xirtaan sidii Saxaafadda Somaliland u noqon lahaayeen ul
iyo diirkeed.
Sunni Said Saleh
Sirsunni@gmail.com
|