|
Dunia Women Journalists
Association oo tababar u qabatay 50 Suxufiyiin+
Daawo sawiro.

Tababar saxaafadeed oo ay ka qayb qaateen 50 suxufiyiin
Soomaaliyeed loogana hadlayayay tayaynta mihnada
saxaafadeed ee dumarka iyo doorkooda nabadaynta ayaa lagu
qabtay hotelka barakaat ee magaalada Nairobi.

Tababarkaan waxaa soo qaban qaabiyay ururka Suxufiyiinta
Dunia Women Journalists Association kaasoo dhawaan looga
dhawaaqay Magaalada Nairobi waxaana ka soo qayb galay
qaybaha kala duwan ee saxaafada

furitaankii tababarkan waxaa ka qayb galay gudoomiyaha
ururka haweenka Cocwo Shariifa cadoow oo iyadu hadalo
kooban oo ku saabsan arigtida ay ka qabto ururka ka
jeedisay iyo sida ay haweenka saxafiyiinta ahi ugu dhabar
adaygeen in ay ku shaqeeyaan xaalada qalafsan ee
soomaaliya.

waxaa sidoo kale ka hadlay gudoomiyaha hay'ada INXA Cabdi
naasir Axmad Cusmaan,madaxa ururka SSWC Aamina Xaaji Cilmi
iyo Gudoomiyaha hay'ada Peace foundtion luul
Faarax,Gudoomiyaha hay'ada xaquuqul insaanka Ismaaciil
Jimcaale Maryan Awreeye, Nuuro Cabdulaahi inter peace iyo
David Mangiira u qaybsanaha arimaha bulshada dowlada
kanada ee dalka kenya oo dhamaantood ka hadlay haweenka
saxafiyiinta ah kaalinta ay bulshada kaga jiraan iyo
doorka firfircoon ee ay ku dhex leeyihiin Saxaafada

Tababarka oo socday mudo hal maalin ah waxaa casharada
bixinayay macalimiin Soomaaliyeed oo caan ka ah saxaafada
Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Ustaad black, Khadiija
Mayoow Abuukar,Cabdulqaadir barnaamij iyo Yaasiin Ciise
Wardheere .

Gudoomiyaha ururka Dunia Women Journalists Association
DUWJA Hamdi Mohamed Kediye ayaa ka hadashay hadafka
ururkaasi iyo ujeedooyinka ay u aasaseen waxayna sheegtay
inay sare u qaadayaan aqoonta Saxafadeed ee dumarka iyo
garaadkoodaba,waxaana halkaas lagu gudoonsiiyay
shahaadooyin dumarkii ka qayb galay tababarkaas.
Daawo
Sawirada Kale ee Xaflada ururka Suxufiyiinta Dunia Women
Journalists Association












Fu-aad
Mohamed Elmi(Deeqsi)
Nairobi-Kenya
|