|
Somali
Journalists Network Kenyan oo ku biiray Ururka isu taga
Suxufiyiinta ASOJ,daawo
sawiro ay ku dhan yihiin
Wariyaasha
Ururka Suxufiyiinta Somalida Kenya ee marka la soo gaabiya loo
yaqaan SJKN ayaa shaaca ka qaaday inay si buuxda ugu
biireen Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ
kadib markii ay mudo darsayeen waxqabadka Wariyaasha ASOJ
iyo miisaanka uu ku dhex leeyahay Saxaafadda Soomaaliya.
“Waxaan idiin sheegayaa inaan ku biirnay Ururka isu taga
Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ aniga oo ku hadlaya
magaca Somali Journalists Network Kenyan,waxaana ii
farxada in Ururka aan Gudoomiyaha u ahay ee SJKN oo
aqoonsi buuxa ka heysta Wasaraada Warfaafinta Kenya,kana
diiwaan gashan ,aanu ku biirno Associated Somali
Journalists ASOJ,waxaana xusid mudan inay taas nagu
dhalatay kadib markii aan diiwaan gelinay Wariyaashii
Muqdisho ka soo cararay ee ku sugan Nairobi “ sidaas
waxaa khudbadiisa ku daah furay Gudoomiyaha Somali
Journalists Network Kenyan Mr Ismaaciil Sheekh Cabdi
raxmaan.
Gudoomiye Ismaaciil Sheekh Cabdi Raxmaan oo khudbadiisa ka jeediyay
xaflad weyn oo ay ku qabsadeen labada urur Magaalada
Nairobi,wuxuu farta ku fiiqay in ku biiritaankooda uu
salka ku hayo qiimeeyn ay ku sameeyeen Ururka ASOJ oo uu
ku tilmaamay mid ay Wariyaasha magaca leh ku mideysan
yihiin.
“Waxaanu xaqiijinay inaysan ASOJ ku shaqeyn qaab NGO ama Ururka
ASOJ uusan ahayn mid ay ku qaraabtaan shaqsiyaad aan
sumcad badan ku lahayn Saxaafadda Soomaaliya ,waxaana taas
u marqaatiya Wariyaasha cul culus ee ka tirsan
hoowlwadeenada Ururka “sidaa waxa ku cel celiyay
Gudoomiyaha Suxufiyiinta Soomaalida Kenya oo khudbadiisa
ay xamaasad xoogan huwaneed.
Gudoomiyaha Suxufiyiinta Kenya wuxuu tacsi heer Qaran u diray
dhamaan Saxaafadda Soomaaliya gaar ahaan bahda
Hornfrik,wuxuuna rabi uga baryay inuu Janatul Farduus ka
waraabiyo Agaasimahii Idaacada Horn Afrik Dr Cali Iimaan
Sharmaarke iyo Agaasimahii Idaacadda Capital Voice Mahad
Axmed Cilmi.
Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ Dahir
Abdulle Alasow oo isagana halkaas khudbad dheer ka
jeediyay ayaa shaaciyay in ASOJ ay gacmo furan ku soo
dhaweyneyso Wariyaasha Somalida Kenya,wuxuuna tibaaxay
inay urur ahaan soo dhaweeynayaan Ururada Saxaafadda
Soomaaliya oo dhan,si loo mideeyo awoodeeda iyo aqoonteeda
la tartanka Warbaahinta dunida sedexaad.
Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ Mr Dahir
Abdulle Alasow,wuxuu dhamaan boqolaalkii qof ee ka
qeybgalay xafladaas ka codsaday in faataxada loo akhriyo
Cali Iimaan,Mahad Cilmi iyo Mahad Cabdiqadir Kaskey oo uu
sheegay inay lafdhabar u ahaayeen Saxaafada
Soomaaliya,ayna sababsadeen gacan ka gardaran.
“Cali Iimaan Sharmaarke wuxuu ahaa halyeey Saxaafadda Muqdisho la
tartansiiyay Warbaahinta dunida,waxaana ku tilmaami karnaa
horseedka madaxbanaanida Soomaaliya ee maskaxdiisa iyo
maalkiisaba u huray”ayuu yiri Dahir Abdulle Alasow oo
dhinaca kalana hambalyo u
diray Telefishinka Caalamiga ee Universal iyo Idaacadda
Front Fm Kenya.
Dahir Alasow wuxuu Telefishinka Universal iyo Radio Front Fm
Kenya kuwa astaan u noqday Madaxbanaanida iyo
dhexdhexaadnimada qeeynuunka Saxaafada,isagoo si gaarana
carabka ugu adkeeyay inay tixgelin siiyaan Weriyaasha ka
hoowlgala.
“Waxaan la yaabay sababaha ay Wariyaasha iyo Ganacsatada
Warbaahinta sameystay u sheegi la yihiin shaqsiyaadka
ugaarsiga ku haya Saxaafada,dhab ahaantii anagu waan
naqaana,waana sheegeynaa sida ugu haboon,maxaa yeelay
hadii laga aamuso ,maalin walba mid ayay dilayaan” ayuu
yiri Mr Alasow oo si gaara u xusay in ASOJ ay xog badan ka
heyso ,sababihii loo dilay Cali Imaan iyo kooxahii arintaa
maleegay.
“Waxaa sharaf weyn inoo ah inaan idinkala soo
qeybgalo,xafladaan,waxaan aad uga xanuunsanahay dilalkii
qorsheeysneed ee lagu qaarijiyay Cali Iimaan iyo Mahad
Cilmi,waxaana ku faraxsanahay inaan maanta halkaan ku wada
kulano Wariyaashii lafdhabarka Wariyaasha Muqdisho ee aan
dhegaha iska maqli jirnay uun”sidaa waxaa yiri Mr Mursal
Quule oo ah Afhayeenka Ururka Suxufiyiinta Somalida Kenya
.
“Xamar nafteyda ayaan uga soo cararay, todobo maalmood ka hor ,
intaan la dilin Cali Iimaan iyo Mahad Axmed Cilmi
ayaa telefoonka la iigu soo hanjabay,waan ku dileeynaa
ayaa leeygu dhahay,ma arkeyn telefoonka wuxuu ahaa
Private,laakiin markii saacado isku xigay la
dilay Agaasimaheeygii Cali Iimaan iyo Saaxiibkeey
Mahad Cilmi ayaan isaga soo cararay,sababtuna waxay ahayd
qalqal aan ka qaaday dadkii
oo I soo wada wacayo dal iyo dibad iguna leh,waar soow ma
ogid inaad ninka sedexaad tahay,maxaa meesha ku
joojiyay”sidaa waxaa yiri
Wariye Xasan Cadde oo ka tirsan Wariyaasha Warbaahinta
Horn afrik,laguna yaqiin barnaamijkiisii xamaasada badnaa
ee dhacdooyinka Hornafrik.
Xasan Cadde oo khudbad dheer ka jeediyay xaflada ASOJ ee Nairobi
wuxuu ku celceliyay inuu mar walba dalka jeclaa hasse
yeeshee uu kaga soo baxay haliso badan oo u muuqday
aawgeed.
“Cali Iimaan iyo Mahad Cilmi waxaa ay ku dhinteen xaqa,waxaana
dishay gacan ka gardaran,iyagoo hoowlahoodii shaqo ku guda
jira,waxaana muhiima in qof walba dhimanayso,sidas
daraadeed waxaan ka qeybgalayaasha ka dalbanayaa inay min
sedex qulu wale u akhriyaan labada masuul ee Warbaahinta
Afrik miisaanka weyn ku lahaa”sidaa waxaa khudbadeeda ku
furtay Wariye Falastiin Axmed Xaaji oo ka hadlaysay
Xaflada Wariyaasha ASOJ ee Nairobi.
Falastiin Axmed Xaaji oo ka mida Wariyaasha masraxa Saxaafada
magaca iyo miisaanka weyn ku leh,waxay saarneed gaariga uu
watay
Cali Iimaan ee lagu qarxiyay.
“ Markii la ii sheegay in la dilay Wariye Mahad Cilmi,saacado
kadib
ayaa anigoo townka maraya la ii sheegay in la dilay
Cali Iimaan,
markaas ayaan dhab ahaantii xanuunsaday oo dareenkeeygu si
weyn
isu bedelay,habaryarteey oo gaariga ila saarneed baa igu
dhahday” maxaa laguu soo sheegay Catoosh” waxaan ugu
jawaabay:-“ Habaryar wiil Weriye ah ayaa saakay la
dilay,hadana Wariye kale oo aaskiisii ka qaybgalay baa la
dilay oo gaarigiisii ku dhex dhintay”
Intaas markii aan iri ayay habaryar igu tiri” Wariyaashiina ma
dadkii la dilayay ayaad ka mid noqoteen” ayuu yiri Cabdi
Risaaq Catoosh oo ka mida Wariyaasha Idaacadda BBC laanta
Afka Soomaaliga.
Cabdi risaaq Xaaji Catoosh wuxuu tibaaxay in hadalka Habaryartii uu
arkay Messege micno wayn xambaarsan,wuxuuna tacsi u diray
dhamaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen
labadaas Sarkaal ee Saxaafadda Soomaaliya magaca iyo
miisaanka ku leh,wuxuuna ku cel celiyay,ilaaheey hanaga
sabir siiyo labadaas nin ee naga tagay,isagoo
ku kaftamay”waxaa la yiri Geeridu qofaadan garaneyn iyo
geel jire ayay ku wanaagsan tahay”
“Markii la ii sheegay in Cali Iimaan la dilay isagoo ka soo
laabtay aaskii Wariye Mahad Axmed Cilmi,dhab ahaantii
waxaan awoodi waayay inaan telefoonka ka dansado qofkii I
soo wacday,waan gariiray,maxaa yeelay wuxuu ahaa nin qiimo
badan oo Saxaafada kaalin weyn ka taagnaa”sidaa waxaa
yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta DFKMG Xasan
Ciisse Cali Kuuriye,oo dadka badankii ay ku tilmaamaan
inuu yahay barbaariyaha Saxaafiyiin badan oo Soomaaliya
aad looga jecel yahay.
Agaasime Xasan Kuuriye oo mudo ka badan 40 sanadood ka shaqeeynayay
Saxaafadda Soomaaliya ,wuxuu ku celceliyay in xilkasta
oo u qabto ,waligii ka jeclaanayo Wariyenimadiisa,wuxuuna
wax laga xumaado ku tilmaamay tacadiyada iyo dhibaatada
lagula kacayo Saxaafiyiinta Soomaaliyeed.
Khudbada Agaasime Xasan Kuuriye oo aad u dheereyd,wuxuu ku cadeeyay
inuu ka shaqeyn doono ,ilaalinta iyo difaacida
Saxaafiyiinta Soomaaliyeed ee 16-ka sano ku
shaqeeynayay kelya adeega.
Ugu dambeyntii waxaa xaflada ka hadlay Xoghayaha Guud ee Jaaliyadda
Somalida Kenya Mudane Dahir Macalin Qaasim,wuxuuna tacsi u
diray dhamaan eheladii ay ka geeriyoodeen sedexda
Wariye,waxaa kale oo
uu sheegay inay siyaasad ahaan taageersan yihiin hadafka
ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ.
Si kastaba ha ahaatee,xaflada ay iska kaashadeen ASOJ SJNK ayaa
ahayd mid xiiso badan,waxaana heeso Wadaniya ka qaaday
hobolo uu
ka soo dhex muuqday Aas aasahii Waaberi Cabdi Cali
Bacalwaan.
Siciid
Cumar Max’ed Baaffo
Xanafi88@hotmail.com
Nairobi-Kenya
|