Associated Somali Journalists *ASOJ*
English |  Arabic |  Somali |      
English UK Language Arabic Language Somali Language   Bogga'horeWararka XeerkaNalasooxiriir Fikirkeena Xubnaha   
ASOJ
Associated Somali Journalists *ASOJ*


 
 

 

Dalladda Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Asoj oo sheegtay inay guddi gaara u magacaawday dabagalka cidii ka dambeeysay dilkii Sawirqaade Martin Adler.

Muqdisho, Sabti, June 24 , 2006 (Asoj.org)



Dalladda Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan Asoj ayaa shaaca ka qaaday inay guddi gaara u magacaabeen baarista iyo dabagalka cidii ka dambeysay Sawirqaadihii u dhashay dalka Sweden ee lagu toogtay shalay fagaraaha Tarabuunka ee Muqdisho.
Associated Somali Journalists waxaa ay sheegeen in xogag ay aruuriyeen durba tilmaamayaan laba waji oo loo dilay Wariyahaas Ajnabiga ah,labadaas oo kala ah ,inuu ka dambeeyay hogaamiye kooxeed Muqdisho ku sugan oo ka soo horjeeday dibadbaxyadda la dhigayay,halka warbixin kalana tilmaameeyso in loo dilay sababo la xiriiro inuu wada shaqayn la lahaa Wargeyskii soo bandhigay kaartoonkii lagu aflagaadeeynayay Nabigeena Muxamad NNKH .
Guddigga dabagalka ee Asoj waxay tibaaxeen inuu falkaas dilka ah gaystay qof soo xirtay niqaab ,kaas oo si sahlan kaga riday ,jalbaabka uu gashanaa,inkastoo aan la helin cadeeymo muujineeyso Rag iyo dumar ,midka uu yahay.
Sidoo kale Ururka Suxufiyiinta ASOJ waxay ugu baaqeen Midowga Maxaakiimta inay faahfaahin lagu qanco ka bixiyaan ,dilka Suxufigaas Ajnabiga ah,maadama ay sugayeen Amaanka.
Ugu dambeyn Ururka Weriyaasha ASOJ wuxuu Cambaareeyay maskaxdii ka dambeeysay falkaas argagagxa leh,wuxuuna tacsi u diray eheladii iyo Asaxaabadii uu ka tagay Martin Adler.
ASOJ sets special committee over the killing of the western journalist in Somalia capital

 
Bogga' hore | Wararka | Xeerka | Nalasooxiriir | Fikirkeena | Xubnaha
© Copyright ASOJ, All Rights Reserved.