Ogeysiis
Muhiim ah oo ku socda Warbaahinta Muqdisho
12/10/2006 Octobar
Waxaa
la Ogeysiinayaa dhammaan Agaasimayaasha Hay’adaha Warbaahinta
qaybahooda kala duwan sida Idaacadaha,Telefishinadda,Website-yadda,Wargeysyadda
IWM inay ka soo qaybgalaan kulan heer sare ah oo ka dhici
doona Xarunta Golaha Maxaakiimta ee u dhaw Hotel Ramadaan
,maalinta Axada Taariikhduna tahay 15/10/2006(8:00 galabnim
).
Kulankaasi Waxaa looga hadli doonaa arrimo fara badan
oo khuseeya Warbaahinta iyo xiriirka hay’adaha Warfaafinta
iyo Golaha Maxaakiimta Islaamigga Soomaaliyeed (GMISOM)
Fiiro
gaara:- Kulankaan la Iclaamiyay waa mid muhiima sidaas
daraadeed waxaa lagu adkeeynayaa dhamaan Warbaahinta Muqdisho
inay dhoowraan Waqtigga.
Wabilaahi
Towfiiq
Ku
xigeenka Xafiiska Dacwadda iyo Warfaafinta
Sheekh Xuseen Cabdilahi Barre.
|