Associated Somali Journalists *ASOJ*
English |  Arabic |  Somali |      
English UK Language Arabic Language Somali Language   Bogga'horeWararka XeerkaNalasooxiriir Fikirkeena Xubnaha   
ASOJ
Associated Somali Journalists *ASOJ*


Tel:+25262-320000,+2521-253733,+2521-658289.Website:www.asoj.org
asoj@hotmail.com Email:asoj@asoj.org Banadir (Mogadishu).
_________________________________________________________________

DASTUURKA:

URURKA ISU TAGA SAXAFIYIINTA SOOMALIYEED (ASOJ)

 

Warbixinta Howlgal:

Xubnaha ururka Midowga Joornaaliisteyaasha Soomaaliyeed ee ASOJ waxay rumeysan yiihiin in sharaxaad shaacsani ay tahay mida hor boodeysa cadaaladda iyo aas-aaska demoqoraadiyadda. Waajibaadka suxufiyiintuna waxay tahay inay horumariyaan arimahani iyagoo goobaya xaqiiqda islamarkaana bixinaya sharaxaad la fahmi karo oo wanaagsan dhacdooyinka iyo waxyaabaha jira.

Suxufiga taxaderka badan ee dhamaanba qaybaha kala gedisan ee saxaafada ku jira wuxuu ku dadaalaa sidii uu umadda ugu adeegi lahaa si taxadir iyo daacadnimo ay ku dheehan tahay.

Mihnad.ay sharafi weheliso ayaa udub dhexaad u ah sumcadda suxufiga. Xubnaha ururka Asoj waxay wadaagaan dabeecad ah in dhaqanka anshaxa iyo in xeerkan la qabatimo ,si shaaca looga qaado qawaaniinta iyo xeerarka howleed.

 

 

 

 

 

 

 

AAMINAADA UMADDA: Associated Somali Journalists waa inuu aqoonsadaa in waajibaadkooda ugu horeeya uu yahay umadda iyo qiimeeynta Afka Soomaaliga.

.

Associated Somali Journalists should:

  • Waa inuu fahmaa in balanqaad walba oo aan wax loogu qabaneyn umadda uu yahay wax yeelaynayo aaminaadda iyo masuuliyadda.
  • Inuu aqoonsado u adeegida danaha bulshada inay abuureyso waajibaad lagu soo jiidan karo bulshada islamarkaana ay ka hor tagayso fududeysashada dhacdooyinka.
  • Inuu bixiyo macluumaad buuxa si loogu suurtogeliyo bulshada inay fahmaan go'aanada iyo inuu sidoo kale inuu kaalin wayn ka ciyaaro sidi loo abuuri lahaa jiil cusub oo Saxaafadeed,kana soo baxa da' yarta Soomaaliyeed.
  • Inay u dagaalamaan xaqiijinta in howlaha bulshada loo guto si bayaansan.

XAQIIQDA: Associated Somali Journalists waa inuu la hardamaa xaqiiqda si xoog badan isla markaana warka u soo bandhigaan si sax ah guud ahaanba sida ugu suurtogalsan.iyagoo ka fogaanaya qof jacleeysi iyo qof tooxsi,sida ku cad sharcigga iyo qaynuunka caalamigga ah ee Saxaafadda dunidda.

Associated Somali Journalists waa inuu

  • si joogto ah u goobaa runta.
  • Waa inuu dul u yeeshaa si xun u dhigida adkayn karta muhiimadda dhacdooyinka.
  • In si cad loo shaaciyo asalka xogta iyadoo la calaamadeynayo macluumaad walba oo laga helo qaybo dibadeed.

Associated Somali Journalists should not:

  • Waa inuu ka warbixiyaa wax walboo aan run ahayn.
  • Inuu ka weeciyo sawirada ama codadka hadii ay yihiin kuwo wax marin habaabiya.
  • Inay soo bandhigaan sawirada ama codadka dib loo soo gudbiyay iyadoo aan dadka la ogeysiin.

 

WANAAG: Associated Somali Journalists waa inuu soo bandhigaa warka si suuban oo dhexdhexaad ah iyadoo ahmiyadda koowaad la siinayo baaxadda iyo dhawaanshaha.

Associated Somali Journalists waa in:

  • Loo wajahaa dhamaanba maadooyinka wareed xiliga tebinta si tixgelin iyo sharafi ay ku dheehan tahay, iyadoo dulqaad gaar ah loo muujinayo dhibaneyaasha fal dembiyeed ama musiibo dhacday.
  • In taxadir gaar ah la siiyo hadii sheeko ay caruuri ku lug leedahay iyo in caruurta ahmiyad ka balaaran mida dadka waaweyn la siiyo.
  • Inuu soo bandhigo fikrado, Aaraa iyo macluumaad ka tarjumaya xaaladda jirta.
  • Inuu soo bandhigo warbixino lafaguran oo ku saleysan afkaar xirfadaysan.
  • Inuu tixgeliyo xaqa ay u leeyihiin dacwad saani ah

 

SHARAF: Associated Somali Journalists waa inuu xogta u soo bandhigaa si sharaf iyo asluubi ku dheehan tahay iyagoo iska ilaalinaya waxyaabaha keeni kara qilaaf dano gaar ah laga leeyahay waana inuu tixgelin gaar ah siiyaa sharafta dhegaystaha iyo muhimadda dhacdada intaba.

  • Waa in la cadeeyaa ilaha wararka mar walba oo ay suurto galtahay , ilaha gaarka ahina waa in la soo bandhigaa marka loo arko in danaha shacbiga ay ku jirto, suxufigu waa inuu dhowraa balanta ilaalinta ilaha la dhoowray.
  • In la ilaaliyo tebinta baahsan ee dhacdooyinka hadii aysan sare u qaadayn sheeko, meeleey sheekada adigoo u sameeynaya gunaanad amaba ku daraya aqoonta shacbiga.
  • Ka fogow inaad la xiriirtid kuwa ku lugta leh xaalad jirta iyadoo weli uu geedi socodku jiro.
  • Isticmaal agab tiknoolajiyadeed oo ku lifaaqan xirfad iyo fakir dheer,adigoo ka fogaanaya farsamooyinka weecin kara dhacdada amaba marin habaabin kara xaqiiqda amaba dhalin kara xiisad.
  • Baahi waxyaabaha gaarka ay u leeyihiin ururada saxaafadeed ee kale keliya marka aad ogolaansho u heshid.

Associated Somali Journalists waa:-

  • inaysan aqbalin ilo wareed dano gaar ah laga leeyahay.
  • Inaysan aqbalin hadiyahadaha, ixsaanka amaba in lacag ay ka gadoomaan qof doonaya inuu saameeeyn ku yeesho dhacdo taagan.

Inaysan ku lug yeelan dhaqdhaqaaq tanaasul gelinaya sharaftooda amaba madax banaanidooda.

 

MADAX BANAANI: Associated Somali Journalists waa inuu daafacaa madax banaanida dhamaanba joornaalistayaasha oo ay ka daafacaan kuwa doonaya inay weeciyaan amaba gacanta ku dhigaan tebinta dhacdo jirta.

Associated Somali Journalists waa inay soo aruuriyaan warbixinada islamarkaana iyadoo aan cabsi iyo isxaan toona ku jirin islamarkaana ay u adkaystaan dhibaatooyinka uga iman kara awood dibadeed amaba koox awood leh oo doonaysa inay dhacdo loogu hiilsho.

  • Waa inay u dulqaataan kuwa doonaya inay iibsadaan dhacdo iyadoo ulajeedkuna yahay inay weeciyaan.
  • Waa inay u qaataan dhacdada una aqoonsadaan keliya sida uu faafreebku leeyahay balse aanay loo raacin saameeynta ka imaan karta qof aan xeyndaabka ku jirin.
  • Inay u adkaystaan danaha gaarka ah amaba cadaadis keeni kara inuu caqabadgeliyo waajibaadka Suxufinimo.
  • Inay diidaan danaha ruux milkiyad leh inuu saameeynta u adeegsado dano gaar ah.
  • In la daafaco xuquuqda xoriyadda hadalka , iyadoo la aqoonsanayo in xadidaad walba ama shati kastaa oo dowladi ama urur uu ku siinayo saxafiyiintu inuu yahay xadgudub ka dhan ah xoriyadda.

 

MASUULIYAD: Associated Somali Journalists waa inuu aqoonsadaa in lagula xisaabtamaayo oo loo qabsanayo howlaha ay u qabtaan umadda, xirfadda iyo nafsad ahaantoodaba.

Associated Somali Journalists waa inuu dhiiri geliyaa ku tiirsanaanshaha nidaamyada caalamiga ah ee saxafiyiinta iyo kuwa ay u shaqeeynayaanba.

  • Waa inuu ka jawaabaa walaaca bulshada, inay baaraan cabashooyinka islamarkaana saxaan qaladaadka si degdeg ah.
  • Waa inay howlaha saxafiyiinya u sharaxaan umadda gaar ahaan marka ay jirto arin muran dhalisay.
  • Waa inuu ogaadaa in saxafiyiinta xirfadyahanada ah ee adeegsada waayerada in laga doonayo inay u shaqeeyaan si waafaqsan anshaxa.
  • Inay ka fogaadaan amar ku saabsan dhiirigelinta wax shaqaalaha ku qasbaya inuu ku kaco anshaxo xumo.
  • Waa inay si taxader leh u dhagaystaan shaqaalaha abuura wax hor istaagaya anshaxa iyo deegaan laga aaminsan yahay oo laga dhiirigelinayo diidmadan.

Gudoomiyaha ASOJ Dahir Abdulle Alasow

 

 

 
Bogga' hore | Wararka | Xeerka | Nalasooxiriir | Fikirkeena | Xubnaha
© Copyright ASOJ, All Rights Reserved.