Wed, September, 01-2010 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Cambareyn Wariye lagu dilay Galkacyo

Wariye Abdullahi Omar Geeddi oo ka mid ahaa Wariyeyaasha Radio Daljir Galkacyo ayaa dhiig bax ugu geeriyooday Magaaladda Galkacyo ee Waqooyiga Mudug kadib markii tooreeyo ay ku dhifteen dad aan la ogeyn sababta ay Wariyaha u dileen iyo cidda ay yihiin.

In Tooreey lagu dilay Wariye Abdullahi waxaa ASOJ u xaqiijiyay Maamulka iyo Wariyeyaasha Radio Daljir Puntland.

Gudoomiyaha Associated Somali Journalists ASOJ Mr Dahir Abdulle Alasow ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray ku cambaareeyay damiirlabaayaasha dilay Wariye Abdullahi,wuxuuna ilaah uga baryay inuu u naxariisto.

ASOJ waxay maamulka Puntland ugu baaqday inay soo qabato gacan dhiiglaha dilay Wariye Abdullahi Omar Geddi si loo horgeeyo cadaaladda.

Somalia waxay astaan u noqotay dilalka Suxufiyiinta madaxa banaan iyo caburinta xoriyatul qoowlka.

By Rooble Mohamed Dirir

Asoj Office

Galkacyo-Galmudug State

ASOJ is nonprofit organization dedicated in press freedom and human rights, the organization represents more than one thousand journalists in 14 provinces across South central Somalia and Puntland and has good relationship with Somaliland Journalists, for further details contact: +31684863567
Email: info@asoj.org, dahiralasow@asoj.org headquarter office +25262-502917 Mogadishu-Somalia