Associated Somali Journalists *ASOJ*
English |  Arabic |  Somali |      
English UK Language Arabic Language Somali Language   Bogga'horeWararka XeerkaNagalasooxiriir FikirkeenaXubnaha   
Associated Somali Journalists *ASOJ*
Associated Somali Journalists *ASOJ*


 
 

Maxaakiimta oo soo saaray qodobo ku wajahan Saxaafadda Soomaaliya.

1- Saxaafadu waa in aysan tabin wax kasta oo ka hor imaanaya Diinta islaamka, Danta Shacabka iyo Tan Dalka.

2- Warbaahintu waa in aysan sii deyn wax kasta oo iska hor keeni kara Shacabka iyo Maamulka Maxaakiimta.

3- Saxaafadu waa inay Wararka ay tabinayaan ka soo xigtaan ilo xog ogaal ah, isla markaana ay cadeeyaan isha ay ka soo xigteen.

4- Hay’adaha Warbaahinta waa in ay wada shaqeyn fiican la yeeshaan Xafiiska Warfaafinta ee golaha Maxaakiimta .

5- Agaasimayaasha goobaha Warbaahinta waxa ay Mas’uul ka yihiin Wararka iyo Barnaamijyada kale ee ka baxa Warbaahintooda.

6- Warbaahin kasta waa in ay leedahay Xarun muuqata iyo Cinwaan lagala soo xiriiro.

7- Warbaahintu waa in aysan u adeegin Dano shisheeye.

8- Shaqaalaha Hay’adaha Warbaahinta waa inay leeyihiin Aqoon Saxaafadeed iyo Anshax Wanaagsan.

9- Warbaahintu waa in aysan fulin Siminaaro iyo Barnaamijyo kale oo ay wataan hay’ado Ajnabi ah, iyada oo aan ogolaansho laga heysan Xafiiska Warfaafinta.

10- Warbaahintu ma baahin karto Dhaqamada shisheeye ee ka soo horjeeda Diinta iyo Anshaxa suuban sida filimada Qaawanaanta, iyo Dhaqan xumida Xambaarsan.

11- Kama howl gali karto qeybaha ay Maxaakiimtu maamulaan hay’ad Warbaahineed oo aan ka diiwaan gashaneyn Xafiiska Dacwada iyo Warfaafinta ee Golaha Maxaakiimta.

12- Hadii Warbaahintu khalad ka dhaco waa inay dib uga saxdaa isla warbaahinteeda.

13- Warbaahintu waa in aysan Adeegsan Eray bixinta xun ee Gaalada u adeegsadaan Muslimiinta sida Argagixisada, Xagjir IWM.

 

Bogga'hore | Wararka | Xeerka | Nagalasooxiriir | Fikirkeena | Xubnaha
© Copyright ASOJ, All Rights Reserved.